Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Booliska oo toogasho ku dilay nin mindi sitay

La daabacay onsdag 7 januari 2015 kl 11.06
Knivman skjuten i Gällstad. Foto Henrik Snygg
Knivman skjuten i Gällstad. Foto Henrik Snygg

Booliska ayaa tallaabo ka qaaday nin mindi ku dooxay qof dumar ah, ka dib markii shaqaaqo ku dhexmartay guriga. ninkan ayaa sii waday dagaalka middaas oo kaliftay in boolisku toogto.

Booliska ayaa saacadu markay ahayd 6-dii fiidnimo ee habeenimadii salaasadii la soo gaadhsiiyay fariin ka digaysa dagaal u dhaxeeya nin iyo haweenay oo ka socda degaanka Gällstad ee afaafka Ulricehamn.

Markii boolisku ay soo gaadheen goobta shaqaaqadu ka dhacday ayaa ay daaqada ka arkeen ninka oo mindi ku weeraraya haweenayda, booliska ayaa isku dayay in ay joojiyaan iyaga oo isticmalaya budhadh ay siteen, hase yeeshee middaas ayaan wax natiijo ah keenin, taas oo kaliftay in ay ninkan toogtaan.

Ninka ayaa hadda u geeryooday dhaawac ka soo gaadhay rasaasta booliska, halka gabadhiina lagu dabiibayo isbitaalka, sidaa waxaa xaqiijiyay Magnus Söderqvist oo boolis ka hawlgala Borås.

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".