Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Björn Söder oo lagu daray liiska Yuhuud nacaybka

La daabacay onsdag 7 januari 2015 kl 12.00
Björn Söder. Foto: Bertil Enevåg Ericson/TT.
Björn Söder. Foto: Bertil Enevåg Ericson/TT.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka Sweden, ahna xog-haya guud ee xisbiga Sverigedemokraterna Björn Söder ayaa lagu daray liis caalami ah oo ay ku jiraan dadka neceb Yuhuuda

Hadal ka soo yeedhay Björn Söder, mar uu waraysi siinayay jariirada Dagens Nyheter ayaa lagu daray tobbankii dhacdo ee ugu xumaa ee ku lug lahaa Yuhuud nacayb ee dhacay sannadkii 2014.

Söder ayaa u sheegay jariirada Dagens Nyheter in badana dadka Yuhuuda ka soo jeeda ee ku nool Sweden ay ka tageen dhaqankoodii iyo aqoonsigoodii Yuhuudinimo.

”Lakiin haddii aanay middaas samayn, taasi ma noqonayso dhibaato. Waa in la kala saaro jinsiyada waddan iyo ka mid ahaansha ummadeed.”

 

Geesta kale, Björn Söder ayaa jariirada Jerusalem Post ku qoray maanta maqaal uu kaga hadlaayo hadalkiisa, isaga oo ku andoocday in si qaldan loo fahmay.

Isha: DN

samir.dualeh@sr.se

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".