Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Fal-celinta reer Sweden ee weerarkii jariirada Charlie Hebdo

La daabacay torsdag 8 januari 2015 kl 13.00
Weerarkii Charlie Hebdo
(3:49 min)

12 qof ayaa ku naf waayay, kadib markii shalay weerar loo geystey xarunta wargeyska Charlie Hebdo oo ku taalla magaalada Paris  ee xarunta dalka Fransiiska. Weerarkan oo dhacay 11:30 , ayay gaysteen niman afka duuban, oo ku hubaysnaa hubka casriga ah. Dadka weerarkan ku dhintay baa kala ah 10 saxafi iyo 2 qof oo booliis ah.

Weerarkan ka dhanka ahaa jariirada Charlie Hebdo waxaa dhaleecayn ba’an u jeediyay siyaasiyiin iyo saxafiyiin badan.

Raysal wasaaraha waddanka Sweden Stefan Löfven ayaa weerarkan ku cambaareeyay warsaxafadeed, isaga oo sheegay in uu la tiiraanyoonayo qoysaskii dadkii ku naf waayay weerarkan.

-Waa weerar aad u xun oo lagu qaaday asaaska dimuqraadiyada, waa se mid xoojinaysa masuuliyada inaga saaran in aad had iyo jeer garab istaagno xoriyatul qowl iyo saxaafada xorta ah.

Raysal wasaare Löfven ayaa tacsi u diray madaxweynaha Faransiiska, Francious Hollande, una muujiyay taageero

Geesta kale, wasiiradda arrimaha dibada Sweden Margot Wallström ayaa sheegtay in middan ay saamayn doonto Sweden.

-Middan way saamayn doonta waddamada oo dhan, waa in aan ka fekeraa sidii aan isu difaaci lahayn, sidii baan u caawinaa weriyayaasha si ay u gutaan shaqadooda muhiimka ah, sidee baan isaga difaaci karnaa argagixisada.

Wasiiradda arrimaha dibada Sweden Margot Wallström ayaa leh sidoo kale maaha in aan cabsano, mana aha in aan is dhigano, waayo hadda ka hor ayaa la isku dayay in weerarkan oo kale laga fuliyo Sweden.

-Sidoo kale marka arrimahan ay dhacaan waa in aan is dejinaa, loomanaha baahna in dadka laga bajiyo, maaha in aan dareeno in aan ku suganahay khatar la mid ah weerarkan argagixisada ah oo kale. Inkastoo aynaan halkanba ka madhnayn oo la isku dayay in laga fuliyo weeraro argagixiso. Middani waa mid khatar ku ah adduunka oo dhan. Waa in aan u wada shaqaynaa si kasta oo macquul ah, haddii ay tahay heer gobol Midawga Yurub ah iyo heer caalami ah oo gaadhsiisan Qaramada Midoobay ah, sidaas ayay leedahay Margot Wallström, wasiiradda arrimaha dibada Sweden.

Geesta kale, dhamaan Yurub oo dhan ayaa xalay dadku isu soo baxeen si ay taageero ugu muujiyaan jariiradan dayacada badan ee Charlie Hebdo, oo ah midda xarunteeda la weeraray.

Magaalada Stockholm ee xarunta waddankan Sweden ayaa dadku isigu soo baxeen afaafka safaarada waddanka faransiiska si ugu muujiyaan taageradooda. Dadka halkaa joogay waxaa ka mid ahaa Loie Viatte

-Waan murugaysanahay oo waan argagaxsanahay, waa isku day dil ka dhan ah xorriyadda hadalka iyo sidoo kale farxada nolosha. Jariiradan waxaan akhrinayay 20 sanno, haddana way ku dayeen, aniguna iyaga ayaan la jiraa, halkan ayaan rabaa in aan joogo, sidaa ayuu cod murugaysan ku leeyahay Loie Viatte.

Jenny Ribbskog ayaa iyana ka mid ah, dadka hortaagnaa afaafka safaarada faransiiska. Mar la waydiiyay sababta ay meesha u joogto waxay tidhi

-Halkan waxaan u jooga in caadifada aan u hayo tuso dhamaan shacabka faransiisaka, waxan dhacay waa wax baqdin leh. Waa in aan ka hortagnaa argagixisada ayay leedahay.

Isha: Ekot, P1

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".