Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Natiijada tijaabo kale oo laga qaaday kalkaalisadii caafimaad

La daabacay fredag 9 januari 2015 kl 12.00
Preparacia te dolpe medecinako tretmani pe epidemiako nasvaljipe Ebola.
Natiijada tijaabo kale oo laga qaaday kalkaalisadii caafimaad

Waxa maanta soo bixi doonta natiijada tijaabooyinka dheeraad ah oo laga qaaday kalkaalisadii caafimaad ee laga shakisnaa in uu ku dhacay cudurka ebola   Haweenaydan oo looga shakisan yahay in ay cudurkani ka soo qaadday waddanka Siiralyoon (Sierra Leone ),

 ayaa tijaabadii shalay soo baxday muujisay in aanay cudurkani qabin. Waxaana hadda lagu daryeelayaa qaybta karatimaynta ee  dhakhtarta jaamacadda Linköping. Iyada oo tijaabooyinkii laga qaadayna  lagu baadhayo xarunta haayadda caafimaadka bulshada ee Stockholm. 

Haweenaydan ayaa noqonaysa bukaankii ugu horeeyay ee la geeyo isbitaal, iyada oo looga shakisan yanay cudurka Ebola.

Kalkaalisadan caafimaad ayaa ka soo  shaqaysay waddanka Siiralyoon (Sierra Leone ), iyada oo daryeel caafimaad siinaysay  bukaanada la ildaran cudurka Ebola. Waxaana haweenaydan Sweden loo soo dhoofiyay kadib markii laga shakiyay in uu cudurka ebola ku dhacay.

 Xigasho: TT  

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".