Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Gudniinka oo lagu daray diiwaanka baadhitaanada caafimaadka

La daabacay fredag 9 januari 2015 kl 14.00
Gudniinka oo lagu daray diiwaanka baadhitaanada caafimaadka
(3:39 min)
Personal på en vårdavdelning på sjukhus. Foto: Bertil Ericson / TT
Könsstympning Foto: Bertil Ericson / TT

Laga bilaabo kowda bishan janaayo, waxa gudniinka lagu dari doonaa diiwaanka baadhitaanada cudurada ee xarumaha caafimaadka Sweden. Malin Ahrne oo ah sarkaalad ka tirsan hoggaanka bulshada ayaa aaminsan in hannaankani fududayn doono in si fiican loo fahmo dhibaatada gudniinku uu leeyahay.

- Hannaankani waxa uu sahli doonaa in si dhb yar loo agoodo tirakoobka dumarka laga daweeyay dhibaatadii ka soo gaadhay gudniinkii ay hore ula soo kulmeen. Tusaale ahaan, markii hore, diiwaanka bukaanada way adkayd in lala socdo qofka uu dhibaatada soo gaadhsiiyay gudniinka fircooniga ahi. Balse hadda hannaanka cusubi waxa uu sahli doonaa in si dhib yar loola socdo.

Taasi waxa ay ahayd Malin Ahrne oo ka tirsan hoggaanka degmada.

Markii hore waxa jiray baadhitaan caafimaad oo loo samayn jiray uun dumarka uurka leh ee hore loo soo guday. Taasina waxa ay adkaysay in si fiican loola socdo dhibaatada gudniinka. Laakiin hadda baadhitaankan cusub ee sahlaya inla ogaado khatarta gudniinka waxa soo dhaweeyay hoggaanka maamulka degmada.

Waxaanu hannaankan cusubi sahlayaa in si dhib yar loola socdo hadba tirada dumarka loo gaystay gudniinka iyo halka ay xaaladdu marayso.

Khadra Seeraar oo ah macallimadan deggan magaalada Stockholm, una ololaysa sidii looga hortagi lahaa gudniinka ayaa sheegtay in hannaankan cusubi wax badan ka tari doono dumar badan oo hore loo soo guday, kalana kulmay dhibaato badan.

Durba 15 bishan janaayo waxa uu hoggaanka maamulka degmadu sii dayn doonaa warbixin ka turjumaysa qiyaasta tirada gabdhaha iyo dumarka hore loo soo guday ee ku nool Sweden. Malin Ahrne oo ka tirsan hoggaanka maamulka degmadda ayaa tallaabadan ku tilmaantay mid wax lagaga qabanayo dhibaatada uu gudniinku ku hayo dumarka .

Xigasho: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".