Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Nin iswiidhish ah oo lagu dilay dalka Yukrayn

La daabacay måndag 12 januari 2015 kl 09.38
Proryska rebeller överlämnas av ukrainsk soldat. Foto: Alexander Ermochenko/TT.
Nin iswiidhish ah oo lagu dilay dalka Yukrayn. Foto: Alexander Ermochenko/TT.

Nin iswiidhish ah oo da'diisu ahayd 31 jir , ayaa ku dhintay shil baabuur, kadib hawlgal milatari oo ka socday koonfurta Yukrayn dhammaadkii toddobaadkii hore.

 Ninkan oo ka soo jeeday koonfurta dalka Iswiidhan, ayaa bishii sebtembar 2014 ku biiray xooggaga midigta ee ka dagaalamaya waddanka Yukrayn, kana soo horjeeda xooggaga hubaysan ee uu Ruushku taageersan yahay. Dhimashada ninkan waxa xaqiijisay wasaaradda arrimaha dibadda iyo waliba barta ay Faysbuugga ee magaceedu yahay, mutadawaciinta reer Iswiidhan iyo Yukrayn (svenska Ukrainafrivilliga).

Shirkaddii caymiska ee uu ninkani ka tirsanaa ayaa diidday in ay bixiso kharashka lagu soo qaadayo maydkiisa ee Iswiidhan lagu keenayo. Waxaanay shirkaddu sheegtay in aanay bixinayn kharashkaasi, maaddaama oo uu ninkani dalkaasi Yukrayn u tegay si uu dagaalka halkaa socda uga qaybqaato. Waxaa sidani baahisay jarriiradda Expressen.

Xigasho: Expressen, Aftonbladet, DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".