Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dood ka dhalatay in ay Iswiidhan ka mid noqoto isbahaysiga Nato

La daabacay måndag 12 januari 2015 kl 10.00
Tomas Ramberg kommenterar de politiska partiernas inställning till ett svenskt Nato-medlemskap. Foto: TT / Sveriges Radio
Dood ka dhalatay in ay Iswiidhan ka mid noqoto isbahaysiga Nato. Foto: TT / Sveriges Radio

Xisbiyada midigta ayaa dawladda u soo jeediyay in ay ka hadasho ka mid noqoshada ay Iswiidhan xubin ka noqon karto isbahaysiga Nato. Laakiin se waxa arrintaasi si adag uga soo horjeedsatay wasiirka

arrimaha dibadda Iswiidhan Margot Wallström oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Socialdemokraterna. Waxaanay wasiirku ka digtay in arrintaasi keeni karto in uu adduunku u arko in ay Iswiidhan ka tagtay dhexdhexaadnimadii looga bartay. Waxaana hadalkeedii ka mid ahaa;

- Tani waxa ay signaal adag u diri kartaa beesha caalamka, waxaanay keeni kartaa kalsoonidarro dhexmarta Iswiidhan iyo saaxiibadeeda.

Xigasho: Svt

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".