Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Soomaali ku geriyootey dalka Ciraaq

La daabacay måndag 12 januari 2015 kl 14.20
Soomaali Ciraaq ku geeriyootey
(5:02 min)
Isis-ta Suuriya. Sawirle: AP Photo / militant website, File / TT.
Isis i Syrien. Foto: AP Photo / militant website, File / TT.

Laba ka mid ah dhallin-yarada soomaali-iswiidhishka reer Örebro ee u socdaashay sidii ey uga barbar dagaalami lahaayeen ururka xag-jirka ee IS ayaa lagu soo warramayaa iney ku dhinteen dagaalo ka dhacay waqooyiga dalka Ciraaq.

Labada dhallin-yaro ayaa la shegay iney geeriyoodeen dhammaadkii toddobaadkii ina dhaafay, sida uu sheegay Jamaal Lamhandi, ahna guddoomiyaha masjidka Örebbro. - Waalidiinta labda wiil ayaa xaqiijiyey in dhallaankoodu carrigaa ku geeriyoodeen. Hase yeeshee ey akhbaartaasi i soo gaartay aniga gabagabadii toddobaadkan, sida uu sheegay Jamal Lamhandi.

Jamal Lamhandi ayaa sidoo kale sheegay in aanu hayn akhbaar intaa ka bax-san ee la xiriira geerida wiilashaa.

Mahdi Warsame, guddoomiyaha ururka Afrikas horns kulturcentret ayaa sheegay mar uu u warramayay idaacadda la iska daawado ee Svt in akhbaartaa laga soo xigtay waalidkii dhallin-yarada, iyadoona uu ururkiisu isku dayayo sidii uu gacan ugu fidin lagaa waalidiinta ey la soo gudboonaatay murugadu.

- Halkeedii ayaan ka sii wadi doonnaa howlihii aan kaga hor-tageeyney dhallin-yarada u socdaasha dagaalalada ka aloo-san dalka Suuriya iyo Ciraaq, sida uu sheegay Mahdi Warsame.

Wixii ka dambeeyay kuleeylihii 2012 ayaa lagu qiyaasayaa iney u socdaaleen dalka Suuriya sidii ey uga garab dagaalami lahaayeen ururka IS muwaadiniin iswiidhish ah oo tiradoodu gaarsii-san yihiin 130, sida ay qabto hayadda nabad-sugidda ee dalka Iswiidhen oo magaceeda loo soo gaabiyo Säpo.

Isha /Svt

                                                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".