Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Duufaanka Egon oo ku dhuftay koonfurta Iswiidhan

La daabacay måndag 12 januari 2015 kl 15.00
Efter Egons framfart. Foto: Lyssnarbild.
1 av 2
Duufaanka Egon oo ku dhuftay koonfurta Iswiidhan. Foto: Lyssnarbild.
Kaffepaus i arbetet efter stormen Egon.
2 av 2
Duufaanka Egon oo ku dhuftay koonfurta Iswiidhan. Foto: Tobias Sandblad/Sveriges Radio

Kumaan guri oo ku yaalla koonfurta dalka Iswiidhan ayaa wali bilaa koronto ah. Kadib khasaare uu gaystay duufaanka Egon. Duufaankan ayay dad badani ku dhaawacmeen, waxaana uu bilaa koronto ka dhigay 70 000 guri, waxa se ilaa hadda ay korontadii ka maqan tahay 9000 guri oo ku yaalla koonfurta Iswiidhan.

Duufaankan ayaa ku dhuftay xeebta galbeed isaga oo cabirka awooddiisu gaadhsiisanayd 32 meter ilbidhiqsigiiba. Waddo u dhaw deegaanka loo yaqaano Östra kyrkogården oo ka tirsan magaalada Göteborg ayaa la xidhay, ka dib markii uu duufaanku waxyeello u gaystay dhismayaal u dhaw waddada, halkaasna wuu khasaare ka soo gaadhay gaadiidkii waddada marayay.

Dhanka kale waxa magaalada Stockholm ka dhacay 16 shil oo baabuur. Waxaanay tani keentay in haayadda cimilada Iswiidhan ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaa ( SMHI), ay ka digto in ay dabaylo kale dhici doonaa, iyadoo waliba haayaddu soo saartay digniinka darajada koowaad ( Klass 1-varning).

Xigasho: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".