Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tirakoobka suuqa shaqada ee bishii diisambar 2014

La daabacay tisdag 13 januari 2015 kl 15.51
Tirakoobkii suuqa shaqada ee bishii diisambar oo soo baxay
(2:10 min)
Arbetsförmedlingen
Tirakoobkii suuqa shaqada ee bishii diisambar oo soo baxay

- Bilowgii sannadka 2014 waa ay yarayd shaqo la'aantu, laakiinse bilihii u danbeeyay shaqo la'aantu kor ayay u kacday, waxaana ugu wacnaa iyada oo ay yarayd dalabka shirkadaha wax shaqaalaysiiya. Kaasi waxa uu ahaa Mats Wadman oo ah madaxa waaxda saadaalinta ee xafiiska shaqada.

Sida uu sheegay Mats Wadman, sannadkii hore waxa hoos u dhacay tirada dumarka bilaa shaqada ah, waxaana ay fursado shaqo oo badani ka soo baxeen goobaha aadka looga baahan yahay xirfadaha dumarka. Dhanka kale Mats Wadman ayaa sheegay in ay jiraan shirkado badan oo dadka shaqaalaha ah kiraayee , kuwaasi oo ah nooca loo yaqaano, bemanningsföretag, sidaasi daraadeedna ay taasi keentay in ay yaraadaan dadka shaqada laga eryaa maaddaama oo ay shirkadahani shaqaalaha u yeedhanayaan uun marka ay u baahdaan ee ay shaqo u hayaan.

Halkan hoose waxa aad ka akhrin kartaa tirakoobkii suuqa shaqada ee uu xafiiska shaqadu ka sameeyay bishii diisambar sannadkii hore ee 2014.

- Dhammaadkii bisha diisambar waxa xafiiska shaqada ku qornaa 385 000 qof oo bilaa shaqo ah.

- Tiradani waxa ay 26 000 ka yar tahay tiradii dadka bilaa shaqada ahaa sannadkii 2013, taasi oo ahayd 411 000.

- 8,1% shaqaalaha isdiiwaangaliyay waxa ay da'doodu u dhaxaysay 16-64 jir. Halka ay tiradaasi sannadkii 2013 ka ahayd 8,6%'

- 14,8% dhallinyaro ah baa ku qornaa bilaa shaqo, iyada oo ay da'doodu u dhaxayso 18-24 jir. Halka ay tiradaasi sannadkii 2013 ka ahayd 17,2%.

- 30 000 qof ayaa shaqo helay bishii diisambar. Tiradani waxa ay 3000 ka yar tahay tii sannadkii 2013.

- 44 000 qof ayaa bishii diisambar iyana helay shaqada nooca loo yaqaano bilowga shaqada cusub (nystartsjobb), tiradan ayaa 2000 ka badan tii sannadkii 2013.

- 26 700 qof oo bilaa shaqo ah ayaa xafiiska shaqada iska diiwaangaliyay bishii diisambar. Halka ay sannadkii 2013 tiradaasi ka ahayd 27 600.

- 2 500 qof ayaa iyana bishii diisambar isaga tagay shaqadoodii. Waxaanay tiradaasi ka yar tahay tiradii dadkii shaqada isaga tagay sannadkii 2013 oo dhammaa 3300 qof.

- Xigasho: Arbetsförmedlingen

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".