Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Siyaasiyiin SD ka tirsan oo siyaasadda ka fadhiistay

La daabacay tisdag 13 januari 2015 kl 12.00
SD:s logotyp och kommunhus. Foto/grafik: Nick Näslund/Sveriges Radio
Siyaasiyiin SD ka tirsan oo siyaasadda ka fadhiistayFoto/montage: Nick Näslund/Sveriges Radio

Wixii ka danbeeyay doorashadii dhacday bishii sebtembar, siyaasiyiin 400 gaadhaysa ayaa ka fadhiistay siyaasadda. Siyaasiyiintan u isugu jira kuwo ka hawlgali jiray maamulka degmada ( kommun), hoggaanka maamulka degmada ( landsting) iyo waliba golaha baarlamaanka.

112 ka mid ah siyaasiyiintan ayaa ka tirsanaa xisbiga Sverigedemokrater. Sidani waxa daaha ka faydday tirakoob ay samaysay haayadda doorashooyinka Iswiidhan Valmyndigheten.

Siyaasiyiintan ayaa u badan kuwo iyagu go'aansaday in ay siyaasadda isaga fadhiistaan. Sidan oo kale waxa ay dhacday mar hore, kadib markii siyaasiyiin badan oo ka tirsanaa xisbiyada Miljöpartiet och Vänsterpartiet siyaasadda isaga fadhiisteen.

Xigasho: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".