Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Stefan Löfven: Argagaxisadu waxay rabaan in ay ina kala qaybiyaan

La daabacay onsdag 14 januari 2015 kl 16.00
Statsminister Stefan Löfven (S) under dagens riksdagsdebatt. Foto: TT
Statsminister Stefan Löfven (S) under dagens riksdagsdebatt. Foto: TT

Maanta ayaa baarlamaanka Sweden ay fooda isku dareen hogaamiyayaasha xisbiyada, doodan oo ahayd middii ugu horaysay ee dhexmarta hogaamiyayaasha xisbiyada sannadkan. Ra’iisal wasaare Stefan Löfven ayaa bilaabay dooda

Lövfen ayaa hadalkiisa ku bilaabay weerarkii argagixisada ee Paris iyo banaanbixii axadii uu kaga qayb galay magaalada Paris, si uu taageeri ugu muujiyay kelmada xorta ah. Sidoo kale Ra’iisal wasaare Löfven ayaa magacaabay weeraro argagixiso oo kale, sidii weerarkii dhawaan ka dhacay Nayjeeriya, kii Oslo iyo Utöya, sheegayna in argagixisadu ay rabaan in ay dadka isku diraan

-Hadafka argagixisadu waa in ay ina kala irdheeyaan, faafiyaan nacayb iyo baqdin oo ay dabar gooyaan bulshadan dimuqraadiyada ah. Waxay rabaan in ay isku keen diraan, lakiin weligeen yeelin mayno in ay ina maamulaan ama wadnaheena baqdin geliyaan. Waxaynu u taaganahay xornimada saxaafada, diinta. Argagixisaduna ma aamusin doonaan kelmada xorta ah. Sidaa ayuu qudbadiisa uu barlamaanka ka jeediyay ku bilaabay Stefan Löfven 

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".