Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Haayadda cimilada oo ka digtay baraf iyo dabaylo xooggan

La daabacay torsdag 15 januari 2015 kl 12.37
Isig elledning som ett träd rasat över. Foto: Pontus Lundahl/TT
Haayadda cimilada oo ka digtay baraf iyo dabaylo xoogganFoto: Pontus Lundahl/TT

Haayadda cilimida dalkan Iswiidhan ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaa, SMHI, ayaa ka digtay baraf iyo dabaylo xooggan oo dalka oo dhan ka dhici doona. Haayadda ayaa soo saartay digniinta heerka koowaad

 ( Klass 1-varning), iyada oo ka digtay in gobolada Värmland iyo Dalarna uu baraf badani ka di'i doono fiidnimada khamiista. Waxaanay sidoo kale haayadda cimiladu ka digtay in baraf iyo dabaylo aad u xoogganiba ka dhici doonaan deegaanada, Dalafjällen, Härjedalsfjällen iyo Jämtlandsfjällen. Gobolka Svealand ayaa uu wali baraf badani dhulka yaallaa, sidaasi daraadeedna waxa laga yaabaa in uu keeno waxyeelo, haddii xitaa cimiladu wanaagsanaato ama uu roob da'o.

Xigasho: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".