Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay bakhaar bateri ee magaalada Landskrona. Xir albaabada iyo daaqadaha. warar intaa dhaafsii-san P4 Malmöhus ka daalaco.

Maamulada degmooyinka oo la xidhiidhaya ururada si amniga u sugaan habeenkii

La daabacay fredag 16 januari 2015 kl 14.11
Dan och Björn Bengtsson Nattkollare i Herrljunga. Foto: Joel Wendle.
Dan och Björn Bengtsson Nattkollare i Herrljunga. Foto: Joel Wendle.

Maamulada degmooyinka ayaa caawimo waydiisanaya ururada si ay habeenkii u sugaan amniga. Arrinkan ayaa dabada ku hay aka dib markii dhaawacyo la gaadhsiiyay guryo ay leeyihiin maamulada degmooyinku.

Hadda ayaa maamulka degmada Herrljunga oo bilaabay in mashruuc loogu magac daray “nattkoll” oo lacag kaalmo ah lagu siinayo ururada samafalka, si ay habeenkii u wareegaan oo uga qayb qaataan sugida ammaanka ee degaankan.

Booliska ayaa hore u xaqiijiyay in xaalada amni daro ee degaanka Herrljunga ay sare u kacday. Degaanka oo ah degaan aad u yar oo ay ku nool yihiin 9 kun oo ruux oo keli ah.

Geesta kale go’aankan kaalmada dhaqaale lagu siinayo ururada samafalka ayaa muran badan dhaliyay, sida u sheegay Niels Bredberg.

 -Way jiraan suaalo ka taagan arrinkan iyo masuuliyadiisa. Lakiin middani maaha waardiyeeyn, ee waa in lagu wareego degaank, la eego waxaa dhacaya, ka dibna la diiwaangeliyo. 

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".