Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Margot Wallström oo dhaleecayn u jeedisay safiirka Israel ee Sweden

La daabacay fredag 16 januari 2015 kl 16.00
Bakom henne står en jordglob.
Margot Wallström är regeringens utrikesminister och hennes jobb är att ha kontakt med andra länder. Hon tillhör det socialdemokratiska partiet. Foto: Janerik Henriksson på TT.

Wasiiradda arrimaha dibada Sweden Margot Wallström ayaa dhaleecayn u jeedisay hadal ka soo yeedhay safiirka Israel u fadhiya Sweden.

Ka dib markii xukuumada Sweden ay go’aansatay in ay aqoonsato dawlada Falastiin, ayaa Israel waxay si ba’an u dhaleecaynaysay Sweden.

Hadda ayaa waraysi uu wargeyska Dagens Nyheter la yeeshay wasiirada arrimaha dibada Sweden Margot Wallström ay sheegtay in hadala Israel ay xad dhaaf yihiin. Iyada oo tusaale u soo qaadatay haddal uu safiirka Israel u fadhiya Sweden Isaac Bachman qoray boggiisa Facebook-ga, isaga ku andocoonaya in dhamaan falalka argagixiso ay yihiin khalad ay muslimiintu iska leeyihiim.

Geesta kale Morgot Wallström ayaa sheegtay in ay filayeen in ay dhaleecayn uga timaaado Israel, lakiin waxay ku adkaysatay in aqoonsiga ay Falastiin aqoonsadeen uu yimi waqtigii saxda ahaa, welibana aanay ku deg degin ee ay la habsaameen.

Si kastaba ha ahaate Margot Wallström ayaa la filayaa in ay booqato Israel marka u dhamaado ololaha doorashada ee halkaas ka socda hadda.

Isha: Dagens Nyheter

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".