Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Banggiyada Sweden oo xawaalado badan koontada ka xiray

La daabacay fredag 16 januari 2015 kl 16.10
Amir Adan: welwelka shirkadaha iyo macaamiishooda ayaa soo gaaray
(7:18 min)
Amir Adan
Amir Adan (M) waa xildhibaan baarlamaanka Sweden ka tirsan. Seminaar ayuu maanta ugu qabtay baarlamanka gudahiisa shirkada xawilaadaha iyo qaar ka mid ah bangiyada. Foto:Warsame Elmi/SR

Qurba-joogta soomaalida ayaa sida la ogsoon yahay dhaqaale badan u dira qaraabadooda ku sugan dhulkii hooyo. Hase yeshee iminka laga cabsi qabo iney dalkan Iswiidhen ka xirmaan daaqadihii dhaqaalaha lagu diri jirey., kadib kolkii ey bangiyada Sweden billaabeen iney xiraan koontooyinka qaar ka mid ah shirkadaha lagacaha u xawila Soomaaliya.

Seminaar ku sabsan arrintan ayaa maanta lagu qabtay baarlamaanka Sweden. Waxaana soo abaabulay seminaarkan Amir Adan oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Moderaterna.

"Waxaa illa soo xiriirey shirkadley welwelsan iyo weliba macaamiishooda, oo ka welwelsan in aysan mustqabalka udiran kari waayaan lacag ehladooda ku sugan Somalia. Waxaan dareemay in dhibaatada soo badanayso oo bangiyada ka xiranayaan koontada ama u diidayaan in ay koonto ufuraan shirkadaha xawaaladaha. Saas darteed ayaan gartay in arrintan xal loo helo oo shirkadahan iyo bangiyada wadohadal laga dhex abuuro. Saas darteed ayaan u qabanqaabiyey kulan kaan, si ay uga wadohadlaan arrintaan muhimka ah", ayuu yeri xildhibaan Amir Adan.

500 Milyan Karoo

"Waxaan qabaa in arrinta ay imminka adag tahay, waayo waxaad moodaa in bangiyada Sweden in ay ku heshiiyeen in ay xiraan koontooyinka muhiimka u ah jiritaankeena iyo weliba nolasha dadyowka loo diro lacagaha aan sidaas tirada badnay balse qoysaska badan nolalmaalmeedkooda ku tiirsan yahay".

Waxaa sidoo kale waxuu sheegay in marka ay bangiyada xirayaan koontooyinka shirkadahaan aysan keeniin sababo caqli gal ah:

"Nasiib xumo badanaa ma keenaan sabab loo qaateen balse waxay ay keliya sheegtaan xaqa ay u leeyahiin in ay xiraan koontada. Halka marar qaar soo keenan sababo la xiriira dhaqaalo, sida ay qarash badan uga baxaan diridda lacagaha. Laakiin markaan la xiriirno oo niraahno ok, aan fariisano oo ka hadalno markas way ka ganbadaan. Taas oo ka micno ah in sababto ay middas ka weyn tahay balse ay tahay wax kale oo aanan garaneynin".

Swedbank

Bangiga Swedbanka ayaa ka mid ah bangiyada xirey koontooyinka dhowr shirkado xawaalad. Laakiin Vevika Strangert oo ah madaxa sharciyada bangiga Swedbank ayaa inkirtay in koontooyinka shirkadah ay iska xiraan balse ay xiraan keliya marka ay ka helaan waxyaabo aan normal aheyn:

"Koontooyinka iskama xirno , sida bangiyada kale ee dalka waxaa nahaga xeer sharci oo oranaya waa in aan la socono dhamaan lacaga lays-dhaafsado. Haddii aan ka helno waxyaabo aan nomal aheyn, gaar ahaan lacagaha loo diro waddamada ay saaran yahiin cunoqabataynta dhaqaale, kana jiraan argagaxiso, kuwaas waxaan ku qasbanahay in aan ka taxaddarno. Markaan aragno waxyaabo tuhun leh waxaan la xiriirnaa shirkadaha lacagah dira oo aan ka codsanaa in ay soo bandhigaan sida nidaamkooda u egyahay, nidaamkooda waa in uu hubiyaan in aan wax lacag ah loodirin argagaxiso. Markey ku guuldareytaan in ay muujiyaan in ay heystaan nidaam wanaagsan, markaas waxaa waajib nagu ah in aan xirno koontadooda, dhabo kale nooma furna"  

Lars Ludin ayaa doonaya in arrinkan ay siyaasiinta soo farogeliyaan kuna qasbaan bangiyada in ay u diraan lacagaha shirkadaha ka heysta ogalaanshaha heyadda kormeerka dhaqaalaha Finansinpektionen.

"Dadka go’aan arrinkan ka soo saari karo waxay fahdiyaan halkaan aan ku sugannahay oo ah baarlamaanka, waxaan dooneynaa in ay bangiyada ku qasbaan in ay koontada u furaan shirkadaha heysta ogalaansha heyadda Finansinspektionen".

 

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".