Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xarun soomaali leedahay oo lagu burburiyey degmada Forserum

La daabacay måndag 19 januari 2015 kl 14.52
Soomaaliada Forserum: amnigeena u baqeynaa
(9:03 min)
Forserum
1 av 4
Xarun Soomaali ku leedahay degmada Forserum oo habeynimadii sabtid la burbruiyey. Sawirel. Mohamed Derie
Forserum
2 av 4
Forserum
3 av 4
Forserum
4 av 4

Xarun ay soomaalida ku leedahay degmada Forserum oo habeynimadii sabtida la burburiyey.

Mohamed Derie oo ka mid ah Soomaalida degmadan oo la soo xiriirey idaacaddan Radio Sweden laanta Soomaaliga ayaa sheegay in burburinta sabtidii xaruntooda loogeystey tahay tii labaad oo loo geysto muddo labo billood gudaheed.

Xaruntan oo ay Soomaalida u adeegsato goob ay caruurta quraanka ku baraan, xafladahana ay ku qabsadaan ayaa laga burbruiyey muraayadaha daaqadaha. Horey bartamahii bishii December ayaa sidaan oo kale xaruntan kooxa aan heybtooda la garayneynin sidaan oo kale muraayadaha uga jajabiyeen xarunta. Weerarkii sabtiina waxay israaciyeen intii ka harsaneyd muraayadaha.

Mohamed Derie ayaa sheegay in goortii kooxdan ay xarunta burburineysey ay dadka deriska la ah xarunta ku ceen qaylada muraayadaha la jajabinayo, arkeena dhowr ruux oo goobta baabur si degdeg ah uga raacay, inkastoo aysan suurlgelin ay qortaan namberka baabuurka goobta dadka weerarka geystey ka qaadey.

Soomaaliada ku nool Forserum ayaa sannadkii 2013kii loogeystey weeraro iyo handadaado keenay in Soomaalida ka joojiyaan caruurtooda iskuulada. Arrinkan oo saxaafadda dalka Sweden aad uga hadashay.

Mohamed Derie ayaa sheegay in waxii ka danbeeyey 2013kii ay ka yaro qabowdey dhibaatadii lagu hayey Soomaalida ku nool degmada, balse imminka ay u muuqato in ay dib u soo noqoneyso. Waxuuna sheegay in weerarada xaruntooda loogeystey dhawaanahan ay raad ku leedahay waxuu ku tilmaamey "isir naceyb".

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".