Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Baarlamaanka oo maanta cod u qaadaya raysalwasaaraha

La daabacay tisdag 20 januari 2015 kl 09.26
Riksdagens plenisal. Foto: Erik Mårtensson/TT
Xog ku saabsan sida dawladda kalsoonida loogala noqdo. Foto: Erik Mårtensson/TT

Kadib markii uu xisbiga SD soo jeediyay in cod loo qaado dawladda, waxa uu maanta baarlamaanku cod u qaadayaa raysalwasaaraha. Cod u qaadistan ayaa laga yaabaa in ay iska noqoto mid aan saamayn weyn yeelan maaddaama xisbiga SD kali ku yahay fikirkan oo ay xisbiyadii midigtu sheegeen in ay ka aamusi doonaan cod u qaadista raysalwaasaraha Iswiidhan Stefan Löfven.

 Si xilka looga qaado raysalwasaaraha amaba la kala diro dawladda oo dhan, waa in toban meeloodoow hal meel oo baarlamaanka ka mid ahi soo jeedisaa fikirka ah in raysalwasaaraha la eryo. Taasi oo ka dhigan in raysalwasaaruhu aanu haysan kalsoonida baarlamaanka.

Si soojeedintaasi u dhaqangasho oo xilka raysalwasaaraha looga qaado waa in in ka badan kala badh baarlamaanku u codeeyaan, taasi oo ka dhigan in ugu yaraan 175 xildhibaan ay soo jeediyaan xilkaqaadista raysalwasaaraha. Haddii kalsoonida lagala noqdo raysalwasaaraha, waxa ina meesha ka baxaysa dawladda oo dhan, haddii aanay toddobaad gudihii ku dhawaaqin doorasho dheeraad ah.

Shan jeer oo hore ayay dhacday in baarlamaanku codod u qaado in uu kalsoonida kala noqdo dawladda. Cod u qaadistii u danbaysayna waxa ay ahayd sannadkii 2002. Laakiinse laba jeer oo shantan jeer ka mid ah ayaa saamayntooda iska lahaa. Sannadkii 1981 waxa la kala diray dawladdii markaasi jirtay, sidoo kale sannadkii 1988 waxa isna kalsoonidii lagala noqday wasiirkii caddaaladda.

Xigasho: Nationalencyklopedin, Riksdagen.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".