Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ururka dadka xasaasiyadda ku leh korontada oo lacago badan hela

La daabacay tisdag 20 januari 2015 kl 11.00
Foto: Jack Mikrut / Scanpix Sweden / TT.
Ururka dadka xasaasiyadda ku leh korontada oo lacago badan helaFoto: Jack Mikrut / Scanpix Sweden / TT.

Ururka caawiya dadka xasaasiyadda ka qaba korontada ayaa lacago badan sannadkii ka hela dawladda. Inkasta oo haayadaha dawladda iyo cilmi-baadhayaashuba sheegeen in aanu cudurkani jirin, haddana waxa lacagtaasi badan bixiya maamulka hoggaanka bulshada (socialstyrelsens).

Sannadkii hore waxa ururkani la siiyay lacag gaadhaysa 1,7 milyan oo karoon. Taasi oo dhawr boqol oo kun ka badan lacagaha ay tusaale ahaan helaan ururada ay ka mid yihiin; Alzheimerföreningen, ururka caawiya dadka uu hayo kansarka ku dhaca dhiiga (blodcancerförbundet), ururka caawiya dadka uu hayo cudurka aydhiska (HIV-Sverige) iyo waliba ururada caawiya kansarka ku dhaca carruurta iyo kansarka ku dhaca sanbabada.

Haayadda maamulka hoggaanka bulshada (socialstyrelsens), ayaan inta badan sheegin shuruudo lagu xakamaynayo ururrada xaqa u leh in ay helaan lacag iyo kuwaan u lahayn.

Xigasho: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".