Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tabarucii lagu bixinayay xubnaha jidhka oo hoos u dhacay

La daabacay tisdag 20 januari 2015 kl 13.00
Foto: Jack Mikrut / Scanpix Sweden / TT.
tabarucii lagu bixinayay xubnaha jidhka oo yaraadayFoto: Jack Mikrut / Scanpix Sweden / TT.

Waxa hoos u dhacay tabarucii lagu bixinayay xubnaha jidhka aadama,kadib markii la xidhay goobo badan oo caafimaad, iyada oo ay ugu wacan tahay kalkaalisooyinkii goobahaasi ka shaqo gali lahaa oo yaraaday.

Anders Milton oo dawladda u qaabilsan arrintan ayaa sheegay haddii la furi lahaa goobo caafimaad oo badan oo arrintan ka shaqeeya in la heli lahaa dad badan oo ku deeqa xubnahooda jidhka. Qiyaas uu sameeyay ururka u dhaqdhaqaaqa tabarucaadka xubnaha jidhka ee magaciisa la yidhaa MOD ( Mer organdonation), ayaa sheegay in halkii toddobaadba uu hal qof u dhinto caawimo la'aan uu waayay in xubin( orgon) ugu deeqda.

Kristina Hambraeus oo ah dhakhtar heer sare ah oo ka hawlgasha cisbitaalka jaamacadda Karolinska aayaa sheegtay in ay lagama maarmaan tahay in la helo kalkaalisooyin aqoonsare leh, si ay u shaqeeyaan goobaha lagu qaabilo xubnaha ay dadku ku deeqayaan. Waxaana hadalkeedii ka mid ahaa:

- Hadda ma jiraan goobo hawshaasi qaabilsan. Si kor loogu qaado tirada xubnaha aadamaha ee lagu deeqayo waa in la helo goobo caafimaad oo heersarreeya. Waxa innagu yar kalkaalisooyinka caafimaadka, taasina waxa ay keentay in ay gaabaabsi noqdaan goobaha lagu qaabilayo xubnaha jidhka dadku. Haddii aynu kalkaalisooyin heli lahayn way innoo dhib yaraan lahayd in aynu furno goobo badan.

Xigasho: Ekot

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".