Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hägglund: magangeliyo doonka guriyo u gooni ah dega yaan laga baxinin

La daabacay onsdag 21 januari 2015 kl 10.14
Göran Hägglund (KD) Foto: Jessica Gow/Sverge Radio
Göran Hägglund (KD) Foto: Jessica Gow/Sverge Radio

Maanta hogaamiyha xisbigas Kristdemokrateerna Göran Hägglund ayaa qoraal xanbaarsan saddex hindisayaal oo wax looga qaban karo siyaasadda isdhexgalka ku daabacay wargeyska DN debatt.

Hägglund saddexdisa hindise ee cuusub ah ayuu labo ka mid ah ku sheegay in wax looga qaban karo guriyo la’aanta heysata magangeliyo doonka iyo sida lagu yareyn karo qarashaadka ku baxa qaabillaada qaxootiga.

Hindisaha saddexaad ee Hägglund maanta ku soo bandhigey DN Debatt ayaa ah in ruuxa maganeliyo doonka ah ee guri u gooni ah dega laga jarto gunnooyinka maalin laha ah ee la siiyo.

 Waxaa jira sharci loo soo gaabiyo Ebo kaas oo la hirgeliyey sannadkii 1994 oo ruuxa magangeliyo doonka ah ee guri asaga doortay dega ku xaq ka dhiga dhanka gunooyinka maalin laha ah ee la siiyo kan degan guriyaha ay Migrationsverket dejisay. Laakiin sharcigaan ayaa keenay in dadyowga dalka ku cusub ay ku bataan deegaanada qoorkood kana dhaliyaan ciriiri iyo isdul saarnaan, sida uu yeri Hägglund.

Bariyahaan danbe Hägglund ayaa ka muujinayey saluug sida ay ku socoto siyaasadda isdhexgalka. Muddo hadda laga joogo bil ayaa xisbiga Kristdemokraterna soo bandhigay dhowr hindisayaal oo lagu yareynayo qarashaadka ku baxa qaabillaada qaxootiga. Hindisayaasha uu markas soo bandhigey waxaa ka mid ah la dhimo gunooyinka maalin laha ee la siiyo ruuxa magangeliyo doonka ah iyo in laga dhigo sharciyada deganaanshaha ee la siiyo magangeliyo doonka kuwo ku meel gaar ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".