Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xafiiska shaqada oo baahiyay shaqooyinka xagaaga bannaan

La daabacay onsdag 21 januari 2015 kl 15.00
Arbetsförmedlingens skylt
Xafiiska shaqada oo baahiyay shaqooyinka xagaaga bannaanFoto: Bertil Enevåg Ericson/TT

Inkasta oo ay bilowgii sannadka tahay, haddana waxa uu xafiiska shaqadu durba baahiyay in ku dhaw 17 000 oo shaqo oo xilliga xagaaga bannaan. Shaqooyinkan bannaan ayaa ka badan shaqooyinkii soo baxay sannadkii hore ee 2014, kuwaasi oo ahaa 11 400 oo shaqo.

Therese Landerholm oo ka tirsan xafiiska shaqada ayaa sheegtay in hore loo baahiyo shaqooyinka bannaani in aanay ka dhignayn in sannadkani yahay sannad shaqooyin badani jiraan. Waxaanay intaa raacisay in durba hadda la sii dalban karo shaqooyinka la qabanayo xilliga xagaaga. Isaga oo qofku isticmaalayo aaladda xafiiska shaqadu leeyahay ee loo yaqaano, app Sommarjobb.

Xigasho: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".