Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Jarriiradda Charlie Hebdo oo si weyn loogu iibsaday Iswiidhan

La daabacay onsdag 21 januari 2015 kl 16.00
Foto: AP Photo/Christophe Ena/TT.
Jarriiradda Charlie Hebdo oo si weyn loogu iibsaday IswiidhanFoto: AP Photo/Christophe Ena/TT.

Shalay goor ay saacaddu ahayd 9, ayaa la bilaabay iibinta jarriiradda dacaayadda ee Charlie Hebdo ee ka soo baxda dalka Faransiiska. Toban daqiiqo kadib waxa markiiba la dhammaystay tiradii jaraa'idka.

Sida uu baahiyay barnaamijka Kulturnytt, waxa hab onlayn ( online) ah ku iibinayay dukaanka Pressbyrå, waxaana toban daqiiqo gudahood lagu iibsaday 295 xabbo.

Jarriiraddan ayaa sida caadiga ah soo saarta 60 000 oo nuqul. Laakiinse cadadkii u danbeeyay waxa la daabacay 5 milyan oo xabbo. Jarriiradda oo soo bixi jirtay maalin kasta oo arbaca ah ayaa hadda gashay fasax laba toddobaad ah oo ay ugu baroordiiqayaan saaxiibadoodii kaga dhintay weerarkii argagixisada ahaa ee 7 bishan jannaayo loo gaystay. Sidaasi daraadeed, sida ay jarriiraddu sheegtay waxa la rajaynayaa in cadadka danbe soo bixi doono 4 bisha danbe ee febraayo.

Xigasho: Kulturnytt

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".