Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Baraf badan oo berri badi waddanka ka di'i doona

La daabacay onsdag 21 januari 2015 kl 17.00
Snöröjning med traktor. Foto: Tor Erik Schrøder/TT.
Snöröjning med traktor. Foto: Tor Erik Schrøder/TT.

Sida ay sheegtay haayadda cimilada Iswiidhan, waxa la filayaa in uu waddanka oo dhan ka da'o baraf badani. Barafkaasi oo laga yaabo in uu hakiyo isu socodka gaadiidka.

 Haayadda cimilada ayaa digniinta heerka koowaad waxa ay ka soo saartay gobolada kala ah; Östergötlands, Sörmlands, Västmanlands, Stockholms och Örebro län. Gobolka Östergötland waxa uu booliisku bilaabay in uu waddooyinka u baxo, si uu digniin u siiyo gaadiidka.

Dhanka kale shir baabuur ayaa ka dhacay waddada Riksväg 50 ee gobolka Örebro. Shilkani waxa isku dhacay, hal ambalaas, gaadhi nooca dabdamiska ah iyo waliba laba gaadhi oo kuwa yar yar ah. Sida ay baahisay idaacadda P4 Örebro waxa goobtaasi gaadhay shaqaalaha gargaarka degdega ah, wali se lama sheegin khasaaraha shilkaasi ka dhashay.

Sidoo kale gobolka Svealand waxa la rajaynayaa in uu baraf badani ka di'i doono maalinta khamiista ah.

Xigasho: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".