Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Haayadda caymiska oo lacag badan ku bixisa dadka xanuunka ku qoran

La daabacay onsdag 21 januari 2015 kl 15.30
Försäkringskassan och Inspektionen för vård och omsorg, funktionshindrad man i rullstol. Foto: TT
Haayadda caymiska oo lacag badan ku bixisa dadka xanuunka ku qoran. Foto: TT

Waxa sii batay dadka xanuunka ku qoran ee gunada ka qaadanaya haayadda caymiska qaranka ( Försäkringskassan). Sannadkan waxa la sugayaa in ay haayadda caymisku bixiso 31 bilyan oo karoon oo ah lacaga la siiyo dadka jirran ( sjukpenning).

 Lacagtan ayaa hal bilyan ka badan qiyaastii la sameeyay bishii noofambar ee sannadkii 2014. Sidoo kale lacagtani waxa ay 10 bilyan ka badan tahay kharashkii saddex sanno ka hor. Haayadda caymiska ayaa sheegtay in ay filayso in ay dad badani xanuun isku qori doonaa, halka ay kuwo kalena wakhtiga sii dheeraysan doonaan.

Dhanka kale waxa hoos u dhacay kharashkii ay haayadda caymisku ku bixin jirtay gunnooyinka waalidiinta iyo waliba mushaharooyinka,( föräldrapenning eller i lön.).

Xigasho: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".