Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Säpo oo wargelisay macallimiinta iskuulada Umeå

La daabacay torsdag 22 januari 2015 kl 15.00
Klassrum i en svensk skola, Säkerhetspolisen Säpo. Foto: TT
1 av 2
Klassrum i en svensk skola, Säkerhetspolisen Säpo. Foto: TT
Säkerhetspolisen vill motverka extremism. Foto: TT.
2 av 2
Säkerhetspolisen vill motverka extremism. Foto: TT.

Ciidamada sirdoonka Sweden ee magacooda loo soo gaabiyo Säpo, ayaa macallimiinta dugsiyada sare ka wargelinaya arrimaha la xidhiidha xagjiraynta dhalinyarada ee ururka Daacish ama Isis.

Ciidamada nabadsugida ee Säpo ayaa, iyagu xagooda afka ka dhowray nooca wada shaqayneed ee la yeelan doonaan iskuulada dalka. Sidoo kalena ka gaabsaday in ay wargelintani ku kooban tahay macallimiin iskuulada Umeå ama in ay jiraan magaalooyin kale, oo ay iyana wargelinayaan.

Fariinta lagu wargeliyay macallimiinta ayaa ahayd in ay iyagu dhego iyo indho u yihiin ciidamada nabadsugida, marka la joogo arddayda dhexdeeda, sida ay sheegeen macallimiin goobta ku sugnaa.

Balse ciidamada sirdoonka ayaa sheegaya in aanay ujeedadu ahayn in macallimiintu ay soo weriyaan waxaa ay arddayda ka maqleen, Fredrik Milder oo saaxaafada u qaabilsan Säpo ayaa leh maaha in dabagal lagu samaynayo dhalinyarada fikirada xagjirka aaminsan.

-Aaminsantahay fikir xagjir ah, in la yeesho fikrado badbadis ah, maaha waxaa booliska nabad sugidu daba socdo. Mana aha mid la rabo in sidaas loo soo weriyo, sida u sheegayo Fredrik Milder, oo saxaafada u qaabilsan ciidamada nabadsugida ee Säpo.

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".