Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Weriye ka tirsan SVT oo ukun lagu shiiday

La daabacay torsdag 22 januari 2015 kl 16.00
1)	Joanna Sokolinska håller i en kippa i collegetröjetyg av polska trendmärket Risk. Foto: Thella Johnson/Sveriges Radio.
1) Joanna Sokolinska håller i en kippa i collegetröjetyg av polska trendmärket Risk. Foto: Thella Johnson/Sveriges Radio.

Weriye ka hawlgala barnaamijka Uppdrag granskning ee ka baxa Telefeeshinka Qaranka Sweden ee SVT, ayaa inta uu ku labistay koofiyada Yuhuuda iyo Xidigta Daa’uud oo caalamad u ah Yuhuuda, dhexmaray magaalada Malmö

Weriyahan ayaa qaabilaad wanaagsan la kulmay badanaa, inkastoo mar mar ay soo gaadhayeen eegmooyin iyo hadalo dhiirigalinaya in uu meesha iskaga tago. Meesha ugu daran ayaa ahayd cidhifka magaalada, meelaha qaarna weriyaha waxaaa looga digay in uu yimaado.

Badhtanka xaafada Rosengård ayaa ka mid ah meelaha looga digay weriyahan in uu tago. Inkastoo maalinimadii uu qaabilaad wanaagsan kala kulmay halkaa, balse habeenimadii ayaa jewigii sidaas ka gedisnaa, markaas oo dhalinyaro badan ay dibada ku sugnaayeen. Dhalinyarada oo falcelimo daandaansi ah u geystay weriyaha, dushana ka saaray dagaalada ay Israel waddo, middan oo kaliftay in markii weriyuhu rabay in uu ka tago meesha lagu shiiday ukun.

Dhalinyaro goobta ku sugnayd ayaa barnaamijka uppdrag granskning u sheegay in la soo ogaysiiyay in Yuhuudii ay ku sugantahay goobta oo ay ukun ku shiidaan, si ay uga jaraan waxaa Israel ka samaynayso cariga Falasttin.

Isha:SVT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".