Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Tiradii rasmiga ahayd ee shilalka gaadiidka oo khakhal gashay

La daabacay torsdag 22 januari 2015 kl 11.07
Örebropolisen på plats vid Transportstyrelsen
Örebropolisen på plats vid Transportstyrelsen där ett brev med vitt pulver hittats. Foto: Marie Hansson / Sveriges Radio

Gabaabsiga ka muuqda in warbiximaha booliska ee la xidhiidha shilalka gaadiida ayaa sababay in hogaanka gaadiidku is-gaadhsiintu aanay aqoonsan tirakoobka rasmiga ahaa ee shilalka gaadiidka.

Gabaabsigan ka yimi xagga booliska ayaa la xidhiidha cilad farsamo oo haysata qalabka kombiyuutarada ee boolisku ku shaqeeyo.

-Haa, gabaabsiga jira ayaa ah in muddo ugu yaraan sannad badhkii aanay boolisku sidii caadada ahayd u soo wargelin shilalka ka dhaca wadooyinka, oo aanay gelin diiwaangelin, sida waxaa leh Birgitta Hermansson, oo horjooge ka ah waaxda waddooyinka iyo jidadka tareemada ee hogaanka gaadiidka.

Tirakoobka shilalka gaadiidka ayaa kooban warbixin boolisku ka soo saaro shilka iyo warbixin uu isbitaalku soo saaro oo la xidhiidha dhaawacyada soo gaadhay dadka wax ku noqday. 

Geesta kale, sida laga soo xiganayo tirakoob uu daabacay wargeyska Dagens Nyheter tirada shilalka ayaa hoos u dhacday boqolkiiba 21, sannadkii hore hadii la barbar dhigo tirada shilalka gaadiidka ee intuu u dhaxaysay sannadaha 2011-2013, inkastoo aan tirakoobka lagu xaqiijin sida tirada shilalka u kala duwanayd sannadahaas.

Isha: Ekot, DN

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".