Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Sverker Martin-Löf oo shaqada ka tegaya

La daabacay torsdag 22 januari 2015 kl 12.00
Sverker Martin-Löf. Foto: Jessica Gow Kod/TT
1 av 2
Sverker Martin-Löf. Foto: Jessica Gow Kod/TT
Sverker Martin-Löf (L) and Martin Lindgvist, CEO of SSAB. Photo: Henrik Montgomery / TT
2 av 2
Sverker Martin-Löf (L) and Martin Lindgvist, CEO of SSAB. Photo: Henrik Montgomery / TT

Mid ka mid ah dadka ugu awooda badan suuqa wax soo-saarka Sweden, oo magaciisa la yidhaahdo Sverker Martin-Löf ayaa ka tegaya dhamaan hawsha maamul ee uu gacanta ku hayay, xilligan gu’ga.

Shaqo ka tegida Martin-Löf ayaa dabada ku haysa  dhaleecayn ba’an loo jeediya ka dib markii wargeysa Svenska Dagbladet oo kaashaynaya bogga internetka ee N360.se ay si isdabo joog ah u fashilyeen fadeexado badan oo la xidhiidha ninkan.

Sverker Martin-Löf ayaa gudoomiye u ahaa shirkad maalgelineed oo ah mid ka mid ah kuwa hogaanka u haya maalgelinta waddamada waqooyiga Yurub. Sidoo kale wuxuu gudoomiye ka ahaa shirkada SCA oo soo saarta alaabada nadaafadda, sidoo kale wuxuu xubin ka ahaa guddiyada maamula shirkado waaweyn oo kale.

Wargeyska Svenska Dagbladet iyo bogga internterka ee N360.se ayaa soo bandhigay in dad badan oo magac ku leh suuqa wax soo-saarka Sweden ay qaateen diyaaradaha khaaska ah ee ay leedahay shirkda SCA, iyagoo u socda safaro ugaadhsi. Sverker Martin-Löf ayaa sidoo kale diyaaradan isticmaalay isaga oo la socda qoyskiisa.

-Sverker Martin-Löf oo laga yaabo in uu yahay shakhsiga ugu awooda badan suuqa wax soo-saarka ee Sweden, isaga oo fadhiya jagooyin faro badan waqti dheer, samaystayna nidaamka isaga ku wareegsan. Waa mid cajiib ah, in dhamaan waxyaabahaas oo dhan oo xidhiidh la leh shirkadahaas ay hadda meesha ka baxayaan. Sidaa waxaa leh Torbjörn Isacson oo ah saxafi ka hawlgala jariirada Svenska Dagbladet, dabagalna ku sameeyay Sverker Martin-Löf. 

Isha:TT/Svd/Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".