Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tageerada xisbiyada siyaasada iyo sannadkan cusub

La daabacay torsdag 22 januari 2015 kl 17.00
Montage - Vikarierande partiledare (SD) Mattias Karlsson och statsminister Stefan Löfven (S). Foto: Erland Vinberg / Pontus Lundahl / TT.
1 av 2
Montage - Vikarierande partiledare (SD) Mattias Karlsson och statsminister Stefan Löfven (S). Foto: Erland Vinberg / Pontus Lundahl / TT.
Min granne, partiledaren, Gudrun Schyman i Simrishamn. Foto: Måns Mosesson/Sveriges Radio
2 av 2
Min granne, partiledaren, Gudrun Schyman i Simrishamn. Foto: Måns Mosesson/Sveriges Radio

Ra’yi ururintii ugu horaysay ee la sameeyay sannadkan ee la xidhiidha tageerada shacabka reer Sweden u hayaan xisbiyada kala duwan ee siyaasada oo ay si wada jir ah u sameeyeen TV4 iyo Novus ayaa daaha ka fayday in ay yaraatay tirada u dhaxaysa labada dhinac

Xisbiyada dawlada iyo xisbiga Bidixda, Vänsterpartiet ayaa haysta taageero dhan boqolkiiba 41,7 tageerada codbiyayaasha. Halka ay xisbiyada xulufada garabka midig ay haystaan 38,7 boqolkiiba taageerada codbiyayaasha.

Xisbiga Folkpartiet ayaa ah, xisbiga tirada ugu yar haysta xisbiyada xulufada garabka midig, isaga oo haysta 4,1 tageerada dadka codbiyayaasha ah ee laga qaaday ra’yi ururintan.

Xisbiga Svarigedemokraterna ayaa isagu dhigay rikoodh cusub isaga oo haysta 16,5 boqolkiiba taageerada codbiyayaasha. Halka xisbiga Feministiska Initiativ uu isagu haysto 2,2 boqolkiiba taageerada codbiyayaasha.

Ra’yi ururinta oo lagu qaaday khadka telefoonka ayaa la qaaday intii u dhaxaysay 22 diisambar ee sannadkii 2014 ilaa 18-kii janaayo ee sannadkan 2015. Waxaana ka qayb galay 2007 qof.

Isha: Novus/TT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".