Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Bildt oo si kootarabaan ah qaxoonti u soo geliyay Sweden

La daabacay torsdag 22 januari 2015 kl 17.31
Carl Bildt framför regeringsplanet med "Swedish airforce" på sidan.
Carl Bildt på genomresa med regeringsflygplanet i Mellanöstern. Planet ska ha använts för att rädda livet på en dödsdömd student som smugglades ombord och flögs till Oslo. Arkivfoto: TT


Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Sweden Carl Bildt ayaa sannadkii 2009 arday qaxoonti oo dil ku xukunaa ahaana saxafi reer Afqaanistaan ah si qarsoodi ah ugu soo qaaday diyaarad dawladu lahayd oo ka soo kacday magaalada Kabul, sida ay ku waramayso jariirada Expressen

Ergey ay Qaramada Midoobay u dirtay Afqaanistaan oo reer Norway ahaa laguna magacaabi jiray Kai Eide ayaa Carl Bildt ka caawiyay safarkan qarsoodiga ah ee ninkan reer Afqaanistaan.

-Waxay ahayd mid aad u welwel badan daqiiqadihii u dambeeyay. Khatartu waxay ahayd in ciidamada nabadsugida Afqaanistaan ay arkaan oo fahmaan, sidaa ayuu Carl Bildt u sheegay wargeyska Expressen.

Sida laga soo xiganayo Expressen, ninkan uu Carl Bildt sida qarsoodiga ah kaga soo saaray Kabul ayaa ahaa Sayed Pervez Kambaksh oo indhaha caalamka soo jiitay ka dib markii dil lagu xukumay isaga oo u ololeeya xuquuqada haweenka. 

Isha: TT/ Expressen

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".