Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wasaarada difaaca oo soo bandhigaysa kharashka ku baxaya dib u habaynta gaashaandhiga

La daabacay fredag 23 januari 2015 kl 10.22
Delad bild: ÖB Sverker Göransso och försvarsminister Peter Hultqvist. Foto: Pontus Lundahl/TT.
Abaandulaha ciidamada iyo wasiirka gaashaandhiga. Foto: Pontus Lundahl/TT.

Maanta gelinka dambe ayaa wasaarada difaacu waxay soo bandhigaysa xadiga kharashka ku baxayaa dib u habaynta gaashaandhiga Sweden. Middan ooh ore golaha baarlamaanku isula qaatay in la maalgeliyo

Markii lagu gudo jiray shirkii loogu magac daray Folk och Försvar ee Difaaca Shacabka ayaa taliyaha ciidamada Sverker Göransson uu sheegay in kharashkaasi uu noqon doono dhowr bilyan oo koroon sannadkii.

Hindisaha ah in Sweden ay balaadhiso gaashaandhigeeda ayaa ah mid soo burqaday gugii hore, iyada oo marka la qaada dhigay awooda is difaac ee ay Sweden u baahantahay. Bishii diiseembar ee sannadkii dhamaaday ayaa wasaarada difaacu dhayda ka cadaysay in miisaniyadeedu aanay u saamaxayn in ay wax isbedel ah ku sameeyaan habka ay hadda u shaqeeyaan.

Tusaale ahaan wasaarada gaashaandhiga ayaa u baahan diyaarado dagaal oo cusub si ay ugaadhsan karaan gujisyada shisheeye. Dhamaan xisbiyada ku jira baarlamaanka Sweden ayaa isku raacay in la kordhiyo miisaaniyada wasaarada gaashaandhiga. 

Isha: TT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".