Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wershed koronto oo cusub oo gebi ahaanba la joojiyay

La daabacay fredag 23 januari 2015 kl 11.34
Foto: TT
Foto: TT

Hindisihii ahaa in Sweden laga dhiso wershed cusub oo korontada dhalisa ayaa gebi ahaanba la joojiyay. Halkaas oo ugu yaraan 50 qof ka shaqayn jireen sannadihii ugu dambeeyay, dadkan ayaa hadda loo sameeyay shaqooyin kala duwan.

Taa bedelkeeda heshiiskii dawladan cusub ee la xidhiidha tamarta ayaa dhaqan galay.

Biyo dhacan oo ka shaqo geli jireen ugu yaraan 50 qof ayaa hadda gebi ahaanba meesha ka baxaya. Sida uu xaqiijayay Mats Ladeborn oo horjooge horumarinta wershedaha korontada ee biyo dhaceenka.

-Dhamaan dadkii halkan hore uga shaqayn jiray, hadda waxaa la siiyay shaqooyin kale dhisme wershed koronto oo kale.

Waxay ahayd dhowr bilood ka hor markii la soo bandhigay hindisayaal ay ka mid yihiin la joojiyo dhamaan biyo dhaceenada ay dawladu leedahay. Middan oo daba socotay qorshaha cusub ee siyaasada tamarta ee xukuumadan

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".