Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Stefan Löfven oo loo igmaday xil cusub

La daabacay fredag 23 januari 2015 kl 16.00
Stefan Löfven i Uppsala i dag. Foto: Stefan Hesserud Perssson/Sveriges Radio.
Stefan Löfven i Uppsala i dag. Foto: Stefan Hesserud Perssson/Sveriges Radio.

Raysal wasaaraha waddankan Sweden, Stefan Löfven ayaa loo magacaabay in uu ka mid noqdo ”World Impact Leaders” oo ka kooban safiiro qaabilsan olole loogu jiro sinnaanta ragga iyo dumarka oo Qaramada Midoobay ay gadhwadeen ka yihiin

Sannadkii hore ayay ahayd mar jilaayada caanka ah ee Emma Watson ay hadal caalamka soo jiitay ka jeedisay xarunta QM, hadalkaas oo ay ku dhiiri galinaysay arrimaha la xidhiidha xuquuqda haweenka.

Stefan Löfven ayaa hadda ku sugan waddanka Switzerland halkaas oo uu ka socda shirka lagaga arimiyo dhaqaalaha aduunka ee loo yaqaan World Economic Forum.

Geesta kale shir jaraa’id oo ay goob joog ka ahaayeen Emma Watson iyo Raysal wasaare Löfven ayay isku si u naqdiyeen muhiimada ay leedahay in la hormariyo xuquuqda haweenka.

Isha: SVT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".