Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Film laga sameeyey kooxda bandy-ga qaranka Soomaaliya

La daabacay fredag 23 januari 2015 kl 15.47
Fredrik: filmka sannadka
(4:22 min)
Fredrik Wikingsson har en fet auktion på gång tillsammans med det somaliska bandylaget! Foto: Hanna Källqvist/Sveriges Radio

Arbacada soo socota waxaa shaneemooyinka ka billaaban doona film dokumenteri ah oo ku sabsan kooxda bandy-ga ee qaranka soomaaliya ee ka dhisan magaalada Borlänge. Filmkan waxaa kooxda ka sameeyey Fredrik iyo Filip oo ah labo ruux oo caan ah oo sameeyo barnaamijo ka baxa telefishinada. Waa filmkii koobaad oo ay sameeyaan oo shaneemo laga shido.

- Muddo lix billood hadda laga joogo waxaan furay jarraa’id, waxaan ku arkay ciiwan sidaan ahaa ”Somalian oo iska duuwan gelisey ka qaybgalka tartanka aduunka ee Bandy ee lagu qaban doono Sibirien” markas waxaa illa noqotay wax la yaab leh, ciiwanka ayaa sawir ka qaadey oo u diray saxibkey Filip, waxaan ku iri arrintan waxbay noqon kartaa ma aadnaa Borlänge? Annaga oo an lacag wadan ayaan aadney oo iskaga nasiibsanay, kabacdiina waxaan la soconay kooxdan bandy-ga oo ka kooban dhallinyaro da’dooda tahay 17-18 sanno jiro ka soo cararay dagaalada soomaalia, kuwaas oo ku fiicnaadey bandy-ga, kana qaybgalay tartanka aduunka ee k dhacay Sibiria.

Sidaas waxaa yeri Fredrik Wkingsson oo asaga iyo saxiibkiis Filip ay wado sameeyeen filmkan. Filip iyo Fredrik ayaa ah labo ruux oo muuqaalkooda aad looga yaqaano telefishanada Sweden horeyna u sameeyey barnaamijo caan ah balse markii ugu horeysey ayey sameeyen film dheer oo shaneemo laga shido. Filmkan  dokumentriga ah ee ”Trevlig Folk ” ayey waqti la socdeen kooxda dhallinyarada qaranka soomaaliya ee bandy-ga, kuwaas dhamaantod ku nool magaalada Borlänge.

 Inta ay ku howlanaayeen mashruuca filmkan ayuu Fredrik sheegay in ay jireen tuhuno dadka ay ka qabeen oo su’aalaha la weydiinayey ay ka mid ahaayeen ”waxay mashruucan lagu qoslo ee ku howlan tahiin, ma Borlänge dooneysiin in aad ka sameysan wax lagu maadeyso”. Balse ugu danbeyn ´tii shakiyaddas meesha way ka baxeen ayuu yeri Fredrik Wikingsson.

Balse kalo shakigas iyo isfaham la’aantas ka dib filmka ayey sameeyaan kooxdan dhallinyarada soomaaliga ee bandy-ga ciyaarta ee ku nool Borlänge. "Filmkana waa filmkii sannadka, waa film abuuraya dareen cajaa’ib. Dadka markey daawanayaan way ownayaan oo qoslayaan. Markuu dhamaadana ayago oo dareemaya farxad bay ka baxaan", ayuu yeri Fredrik Wikimgsson.

Filmkan ayaa shaneemooyinka qaarkood laga shidi doonaa laga billaabo 28ka bisha januari

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".