Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga V oo aan taageri doonin hindisaha dawlada ee fasaxa aabaha

La daabacay måndag 26 januari 2015 kl 12.30
Socialförsäkringsminister Annika Strandhäll. Foto: Henrik Montgomery/TT.
1 av 2
Socialförsäkringsminister Annika Strandhäll. Foto: Henrik Montgomery/TT.
Foto: TT
2 av 2
Foto: TT

Xisbiga Bidixda ee Vänsterpartiet ayaa dhayda ka cadeeyay in aan taageeri doonin hindisaha xukuumada ee ku aadan in bil saddexaad oo fasax ah la siiyo aabayaasha, middaas oo loo yaqaan bisha saddexaad ee aabaha

Hindisaha ayaa hadda laga yaaba in aanu soo dhaafin baarlamaanka, balse Wasiiradda caymiska bulshada Annika Strandhäl ayaa sheegtay in ay wada xaajood la yeelanayso xisbiga Vänsterpartiet.

Xisbiga Folkpartiet ayaa sheegay in ay u codeyn doonaan hindisahan, balse xisbiyada Moderat-ka, Centerpartiet, Kristdemokraterna iyo Sverigedemokraterna ayaa ka so horjeeda hindisahan. Si hindisahani u ansaxo ayaa hadda dawladu waxay raadinaysa taageerada xisbiga Vänsterpartiet.

Geesta kale ninka horjoogaha u ah xildhibaanada xisbiga V ee baarlamaanka Hans Linde ayaa sheegay in aanay dawladu wax taageero ah ka filan xisbigooda. Isaga oo sheegay in ay siyaasadooda raacayaan, haddii aan dawladu la furin wada hadal.

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".