Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Doorashada Giriigga ayaa saameyn karta dhaqaalaha Iswiidhen

La daabacay måndag 26 januari 2015 kl 12.00
Magdalena Andersson. Foto: Bertil Enevåg/Scanpix
Magdalena Andersson. Sawirle: Bertil Enevåg/Scanpix

Wasiirka dhaqaalaha Iswiidhen Magdalena Andersson ayaan la qabin fikirka hoggaamiyaha dalka boqortooyada Ingiriiska David Camerons ee uu welwelka kaga qabo, sida uu sheegay guusha uu xisbiga Bidixda Syriza ee Gariiggu ku guuleystay doorashadii dalkaasi ka dhacday shalayto iyo inay middaasi kordhineeyso welwelkii dhaqaale ee Yurub ka aloosnaa.

Wasiiradda ayaa sidoo kale ka digtay, sida ay ku sheegtay shir jaraa'id oo ey qabatay toddobaadkii ina dhaafay in xaalad dhaqaale oo cakiran oo Yurub ka dillaacda ay saamayn ku yelan karto dhaqaalaha dalkan Iswiidhen, sida ay ku sheegtay mar ay wareeysi siisay laanta P1 Morgon subax-nimadii saaka:
- Haddii ay middaasi hor-seeddo in dhaqaaluhu ka sii laciifo Yurub, waxay saameeyn ku yeelanaysaa Iswiidhen maadaama ay waddammada Yuub yihiin suuqa ugu ballaaran ee dalkani uu alaabooyinka u dhoofiyo, sida ay sheegtay Magdalena Andersson.

Halka dhanka kale ay Magdalena Andersson sheegtay in xaaladda Yurub ee dhaqaale iminka ka wanaag-san tahay sidii ay sannadihii la soo dhaafay ahayd, iyo in dhaqaalaha dalka Gariiggu aannu iminka la mid ahayn welwelkii laga qabay muddo aan dheerayn.

Wasiiradda ayaa sidoo kale sheegtay in saameeynta uu dhaqaalaha dalkan ku yeelan karo aanu ahayn mid sidaa u ballaaran doona, maadaama aanu dalkani qayb ka ahyn heshiiska lacagta euro-ooga, iyadoona ay wasiiraddu intaa raacisay in masuuliyaddaasi saaran tahay sidii wax looga qaban lahaa waddammada xubnaha ka ah ururka heshiiska lacagta ee euro-ooga iyo siday uga wada xaajoon lahaayeen daymaha ey ku leeyihiin dalka Giriigga:
- Waa howl u taala wadammada ku mideey-san heshiiska euro-ooga iyo maamulka dalka Giriigga iyo sidii ey waddammadaasi ka yeeli lahaayeen deeynta dalkaa lagu leeyahay oo gaarsii-san 170% ee dhaqaalaha sannadkii ee dalkaasi, sida ay sheegtay Magdalena Andersson.

                                                                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".