Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hogaamiyaha V oo u riyaaqay guusha xisbiga Syriza ee doorashada Giriiga

La daabacay måndag 26 januari 2015 kl 13.30
Лидер Левой партии призвал поставить памятник шведам, эмигрировавшим в СССР
Юнас Шёстедт, лидер Левой партии Foto: Flickr/ Catherine

Hogaamiyaha xisbiga Bidixda, Vänsterpartiet ayaa soo dhaweeyay guusha xisbiga Syriza ee ku guulaystay doorashada waddanka Giriiga, oo isna ah xisbi aaminsan siyaasada garabka bidix.

Hogaamiyaha xisbiga Bidixda Jonas Sjöstedt ayaa tageero la garab taagna dhigiisa waddanka Giriiga, isaga oo halkaas u safray kala qayb qaatay ololaha doorashada. Guusha xisbiga Syriza ayaa ah mid taariikhi ah, maddama oo aanay ahayn wax caadi ah in xisbi aaminsan siyaasada bidix-du uu ku guulaysto doorasho ka dhacda qaaradan Yurub.

-Way cadahay in aan faraxsanahay, waa mid xiiso badan in xisbi dhanka bidix ahi uu guul ka gaadho doorasho ka dhacday Yurub. Sidoo kale waxaa ii muuqata marxalada adag ee hortaala, waxay u taala dhibaato weyn, middaas oo la rabo in ay wax qabtaan. Dhaqaalaha waddanka Giriiga ayaa ka soo raynayay sannadihii u dambeeyay, iyaga oo caawimo ka helayay adduunka, middaas oo shardi lagaga dhigay in ay sameeyaan shaqo dhimis iyo isbedelo badan.

Balse taas ayaa sahayatay shaqada dad badan, sidoo kalena shaqo la’aanta ayaa gaadhay meel aad u saraysa. Xisbigan hadda doorashada helay, ayaa ku ololeeyay in aanay samayn doonin shaqo dhimis. Middaas oo laga yaabo in aanay kaalmadii ay ka heli jireen Midawga Yurub in aanay helin, maddaama oo shardi lagaga dhigay in ay sameeyaan shaqo dhimis, si looga caawiyo in dhaqalahoodu dib u soo noqdo. Jonas Sjöstedt ayaa hadda rajaynaya in Midawga Yurub uu fursad siiyo waddanka Giriiga.

Isha: Svt Gomorron Sverige

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".