Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

70-guuraadii gumaadkii Holocaust

La daabacay tisdag 27 januari 2015 kl 11.30
Marchaller på rad. Foto: Örjan Bengtzing/Sveriges Radio.
1 av 2
Många marschaller lyste upp skolgården på Fryxellska skolan denna morgon. Foto: Örjan Bengtzing/Sveriges Radio.
Elever tänder marschaller. Foto: Örjan Bengtzing/Sveriges Radio.
2 av 2
Ljusmanifestation på Fryxellska skolan i Sunne. Foto: Örjan Bengtzing/Sveriges Radio.

Toddobaatan sanno ayaa ka soo wareegtay gumaadkii ay dagnaasiyiinta jarmalku u geysteen qoomiyada Yuhuuda intii lagu guddo jiray dagaalkii labaad ee adduunka, gumaadkaas oo loogu magac daray Holocaust

27-janaayo oo ku beegan maanta ayaa Sweden aqoonsday maalinta la xuso gumaadkan tan iyo sannadii 1999-kii, iyadoo intaa ka dib Qaramada Midoobay ka dhigtay maalintan maalin caalaami ah oo adduunka oo dhan laga xuso sannadkii 2005.

Xuskan ayaa maanta ka dhici doona, meelo badan oo ka mid ah waddanka Sweden. Golaha baarlamaanka ayaa lagu qaban doona xaflad lagu xusayo maalintan, oo ay ka qayb gelayaan guddoomiye ku xigeenka golaha baarlamaanka Tobias Billström, raysal wasaarayihii hore ee Sweden Göran Persson iyo Tobias Rawet oo isagu ka badbaaday gumaadkan, sidoo kale waxaa goobta ku sugnaan doonta fanaanada Anna Kalmering.

Geesta kale, barxada Wallenberg ee degaanka Nybroplan ayaa lagu qaban doona xaflad lagu xusayo maalintan, halkaas oo uu goob joog ka ahaan doono raysal wasaaraha dalkani Stefan Löfven.

Sidoo kale magaalooyinka Göteborg, Malmö iyo Lund ayaa xaflado noocan oo kale ah lagu qaban doona.

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".