Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dad argagaxiso lagu tuhmayo oo ku nool Sweden

La daabacay tisdag 27 januari 2015 kl 09.51
Foto: Björn Larsson Ask/TT
Faro ka qaadista qaxootiga iyo magangeliyo doonka. Foto: Björn Larsson Ask/TT

Ku dhawaad 20 ruux oo lagu tuhmayo in ay soo geysteen faldanbiyeedyo dagaal ama danbiyo ka dhan ah xaquuqul insaanka, kuwaas oo ay ka soo geysteen tusaale Suriya iyo Soomaaliya ayaa magangeliyo ka dalbaday dalkan Sweden sannadkii hore.

Shaqsiyaadkan ayaa xaq u la heyn in magangeliyo la siiyo, laakiin maadaama ay qatar ugu jiraan jirdil iyo khaarajin haddii waddamadoodii loo celiyo ayaan sharciga Sweden ogalayn in la masaafuriyo.

”Maadaama sharciga dalka ogalayn in la celiyo ayaa layska dhaafay in ay halkan iska sii joogaan”, sidaas waxaa yeri Magnus Bengtsson oo Laanta socdaalka u qaabilsan arrimaha maganmeliyo doonka.

Sweden sannadkii hore waxaa soo gaaray oo magangeliyo weydiistey qaxooti kor u dhaafaya 80 000. Badankooda waxay ka soo jeedaan Suria, Eritrea, Soomaaliya iyo Afghanistan. Waddamadan oo ay ka howlgalaan kooxo mintidiin ah sida kooxda Dowladda Islaamiga ah, Al-shabaab iyo Al-qaacida. Kooxahan ayaa waddamadas ka geysta xadgudubyo ka dhan ah shacabka.

Laakiin ma ahan keliya dhibanayasha ka soo carara kooxahan iyo dagaaladooda kuwa Yurub iyo Sweden soo gaara oo magangeliyo ka dalbada. Sannadkii hore Laanta socdaalka (Migrationsverket) ayaa ka dib markii ay la kaashatay ciidanka amniga (Säpo) 20 ruuxa ka xayuubisey xaquuqda magangeliyo doonimo. Qaar ka mid ah dadkan ayaa horey ugu soo geystey xadgubiyo xaad dhaaf ah oo ka dhan ah shacab.

"Markas xaqaquuqda magangeliyo doonimo waa lagaa saarayaa inkastoo aad xataa qabtid baahi amni, waxaa lagu siinayaa go’aan ah dal ka masaafurin”, ayuu yeri Magnus Bengtsson.

Laakiin xataa haddi aysan u laheyn xaq in ay magangelyo ka helaan Sweden hadana waxaa la siiyaa sharci deganaasho oo ku meel gaar ah, maadaama aan dalka laga masaafurin karin oo loo celin karin waddamadoodii. Wayayo waxay kalo kulmi karaan haddii la celiyo jirdil iyo xataa khaarajin, sida uu yeri Magnus Bengtsson.

”Suaalsha waxay tahay maxaan kaloo sameyn karnaa. Sharciga sidaas ah waana in aan sharciga raacno”.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".