Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Saga Becker oo ku guulaysatay bilada Guldbaggen

La daabacay tisdag 27 januari 2015 kl 16.00
Petra Mede ledde Guldbaggegalan 2015. Foto: TT
1 av 2
Petra Mede ledde Guldbaggegalan 2015. Foto: TT

Sara Becker ayaa xalay ku guulaysatay bilada Guldbaggen, iyada oo noqotay jilaayadii ugu wanaagsanayd sannadkan, sidoo kale Sara ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay ee jinsigiisa bedela ee ku guulaystan biladan abid

Hadal ay jeedisay markii ay gudoomaysay bilada ayay sheegtay muhiimada ay biladani u leedahay iyada iyo dhamaan dadka la mid ah ee jinsigooda bedelay ee ku nool Sweden. Geesta kale Ruben Östlund ayaa isna wacdaro ka dhigay madashan xalay, isaga oo ku guulastay bilado badan. filmka ”Turist” ee uu soo saaraga ka yahay ayaa ku guulaystay lix biladood.

Filmkan ayaa noqday midkii ugu biladaha badnaa abid intii la bixinayay bilada Guldbaggen. Bilada Guldbaggen ayaa ah bilada ugu saraysa ee la isku siiyo filmada Sweden, biladan ayaa la bixinayay ilaa iyo sannadii 1964.

Isha: SVT Kultur

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".