Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tuulooyinka yar yar oo qaabila qaxoontiga ugu badan

La daabacay tisdag 27 januari 2015 kl 17.31
Asylsökande vid asylboendet Grytan utanför Östersund. Foto: Annelie Lanner/SR
Asylsökande vid asylboendet Grytan utanför Östersund. Foto: Annelie Lanner/SR

Tuulooyinka yar yar ayaa qaabila qaxoontiga ugu badan ee yimaada Sweden, tuulooyinkan ayaa ah kuwa isa saara masuuliyadda ugu badan ee la xidhiidha qabilada dadkaa muhaajiriinta ah, sida ay shaaca ka qaaday baadhitaan uu sameeyay xarunta SVT ee Östnytt

Baadhitaanka ayaa daaha ka fayday in kala badh goobaha la geeyo dadka magangelyo dooonka ee lixdii bilood ee ugu dambaysay ku yaalaan tuulooyin yar yar oo ay ku nool yihiin dad ka yar laba kun oo qof.

Marar badana waxaa dhacda in dadka goobahaas degan, iyaga oo aan ka war hayn in dad qaxoonti la keenayo in dadkaas meesha la geeyo.

Geesta kale maamulada degmooyinka iyo Laanta Socdaalka ayaan midkoodna dadkan u diyaarin meelo ay ku bartaan luuqada, sidaa awadeed waxaa inta badan is xilqaama dadka meeshaas degan.

Isha: SVT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".