Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

70 sanno oo ka soo wareegtay xaritaankii xeradii xasuuqa

La daabacay tisdag 27 januari 2015 kl 16.41
Xasuuqii naadsiga
(3:33 min)
Ingången till Auschwitz, ett av nazisternas många dödsläger. Foto: Vincent Dahlbäck/Sveriges Radio.
Albaadka hore ee xerada Auschwitz, ett av nazisternas många dödsläger. Foto: Vincent Dahlbäck/Sveriges Radio.

Maanta waxaa dalka Sweden laga xusayaa xasuusta gumaadkii nadsigii Jarmalka ee dagaalkii labaad ee aduunka u geystay qoomiyadaha Yahuudda iyo romerka. Waxaa laga jogaa muddo 70 sanno ah markii la xoreeyey xeraddii Auschwitz ee Jarmalkii Nadsiga ku gumaadi jirey dadywoga ku abtirsada goomiyadaha laga badan yahay. 

Xeradaas ayaa lagu gumaadey 1,3 milyan oo ruux intii uu socotay gudmaadka loo baxiyey Holocost. Lena Posner körösi waxay ka mid tahay dadka soo qaban qaabiyey xuska maalintaan, waxayna qabtaa in xuska arrintan maanta ka muhiimad badan yahay kuwii ka horeeyey:

"Xuskan waxaan qabaa hadda in uu ka sii muhiimsan yahay xusaskii horfey loo dhigay. Waxaan rajeynayey in uusan xuskaan muhiimad sidaas weyn ka lahaanin, caalamka, Yurub iyo weliba Sweden, oo ay dadka wax ka barteen arrintan".

Sidaas waxaa tiri Lena Posner Körösi, oo guddoomiyaha ururka Yahuudda Sweden. Ururkan ayaa xuska maalintan lagu xasuusta xasuuqa weynaa ee caalamka looga yaqaano holicosto ayuu ururkan ku qabtay Synagogada weyn ee magaalada Stockholm.

Lena ayaa sheegtay in waqtiyadan danbe dhacdooyin badan oo iska soo dabo noqday, sida weerarkii argagaxisada ee ka dhacay Paris, weerarkas oo lagu dilay afar ruux oo yahuud ahaa kana adeeganayey dukaan ay yahuud leedahay, iyo weliba xagjariinta midig oo ku soo badanaya Yurub ay muhiimad ka badan sidii hore ka dhigeyso xuska iyo xusuusta  maalinta xasuuqa.

"Nasiib xumo waxaan aragnaa dhacdooyin ka dhacay Sweden iyom Yurub oo arrintan muhiim ka dhigaya. Waxaan argnaa sida gaardinta xagjiriinta midig ee Yurub u soo badanayso, waxaan aragnaa xagjiriinta islamainyiinta ah ee u geysnaya falala argagaxiso oo ka dhan ah Yahuud , demokratiyadda iyo weliba Yurub. Markaas sidaas daraadeed ay muhiim u tahay in la xasuusto maalintan oo la xasuusto argagaxii xasuuqa iyo uu aadane ku sameeyn karo aadane kale iyada oo la isticmaalayo aragtiyo ku dhisan eydiyaloojiyad".

 Inta ay ka socoto xuska Synagoga waxaa ka soo qaybgalaya qoyska boqortooyada iyo weliba ra’iisalwasaaraha Sweden Sfetan Löfven halkasna qodbad ka jeedin doona. Sidoo kale dhamaan hogaamiyaasha xisbiyada ayaa ka qaybgeli doona aan ka aheyn hogaamiyaha xisbiga Vänsterpartiet oo asaga howlo kale ku mashquulsan. Balse sida caadada aheyd xisbiga Sverigedemokraterna ayaa lagu marti qaadin Synagogagada lagu xusayo maalinta xasuuqa. Lenar Posner Körösi ayaa u aragta in eydeyoolijiyadda xisbiga SD tahay mid aan surgal ka dhigeyn in xisbigan lagu marti qaaato xarunta xuska lagu dhigayo:

"Xisbigan waa xisbiga xidadiisa ka soo jeedo mabaadiida naadsiga ah saas darted ayey ahaan laeyd meel ka dhac loo geysto dhibanayaashii ka badbaaday naadsiigii Jarmalka iyo xasuuqa ay u geysteen qoomiyadda Yahuudda"

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".