Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hoggaamiyhii kooxdii sheegatay dilkii Nils Horner oo la xidhay

La daabacay onsdag 28 januari 2015 kl 09.48
Polisbil. Foto Lennart Odhström/SR.
Hoggaamiyhii kooxdii sheegatay dilkii Nils Horner oo la xidhay. Foto Lennart Odhström/SR.

Haayadda sirdoonka ee waddanka Afgaanistaan (afghanistan), ayaa sheegtay in ay qabteen hoggaamiyihii kooxdii sheegatay dilkii wariyihii Nils Horners oo ka hawlgali jiray raadiyowga Iswiidhan.

Nils Horners ayaa bishii maarso ee sannadkii hore lagu dilay magaalada Kabul. Ninkan la xidhay ayaan ahayn ninkii dilay wariyaha, laakiinse ah hoggaamiyaha kooxdii sheegatay in ay dishay Nils Horner. Kooxdan oo magacooda la yidhaa, kooxda dilka ismiidaaminta ah ama Fidai Mohaz ayaa hore u sheegatay dilkii guddoomiyihii gobolka Logar. Kooxdan ayaa sheegtay in ay xidhiidh la leeyihiin kooxda Taalibaan, waxaanay sidoo kale sheegeen in wariyahan ay dileen uu basaas u ahaa sirdoonka Ingiriiska.

Wariye Nils Horner ayaa maalin cad madaxa laga toogtay isaga oo ku sugnaa badhtamaha magaalada Kabul, kana soo waramayay doorashadii madaxweynenimo ee dalkaasi ka dhacday sannadkii hore.

Xigasho: TT, Reuters

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".