Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Laanta socdaalka oo sharci siisay gabadh hal sanno jirta, halka qoyskeediina diidmo la siiyay

La daabacay onsdag 28 januari 2015 kl 11.47
Hal sanno jir sharci la siiyey qoyskeedna la masaafurinayo
(2:25 min)
 Foto: TT
Hal sanno jir sharciga deganaashaha la siiyey inta kale qoyskeedana dalka laga masaafurinayo.Foto: TT

Laanta socdaalka ayaa sharciga deganaanshaha siisay gabadh yar oo hal sanno jirta, halka xubnihii kale ee qoyskeeda la go'aamiyay in lagu celiyo waddankii ay ka yimaaddeen ee Kirgizistan.

Qoyskan oo ka kooban aabbe, hooyo iyo laba carruur ah, ayaan magangalyo la siin marka laga reebo gabadha yar mooyaane. Ma jirto wax qaraabo ah oo u joogta dalka Iswiidhan oo gabadha yar haysa. Anette Bäcklund oo ah sarkaalad ka tirsan laanta socdaalka ayaa sheegtay in go'aankani yahay mid sax ah, laakiinse ay dib ugu noqon doonaan si mar labaad ay go'aan uga gaadhaan arrintan. Iyada oo arrintaasi ka hadlaysana waxa ay tidhi;

- Marka hal canug dhasho kadib iyada oo kiiskii magangalyadu hore u dhacay, waxa inta badan dhacda in kiiska danbe si gaar ah go'aan looga gaadho. Laakiinse hadda waxa aanu mar labaad ku noqon doonaa go'aankan. Maaddaama ay wali dacwadda kiiskani tahay mid furan.

Xigasho: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".