Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Folkpartiet oo dhalasahada Sweden ku xidhay afka Iswiidhishka

La daabacay onsdag 28 januari 2015 kl 10.44
Folkpartiet oo doonaya hagaajinta siyaasadda isdhexgalka
(5:38 min)
Pass. Foto: Henrik Jansson
Jinsiyadda Iswiidhan. Foto: Henrik Jansson

Xisbiga Folkpartiet ayaa doonaya siyaasadda isdhexgalka in ay ku dhisnaato dhabo cad oo shaqo. Sidaas darteed ayaa xisbiga maanta soo bandhigay hindise ah in qaadashada muwaadinimada Sweden sharuud looga dhigo aqoonta af Iswiidhishka, sharciga deganaanshaha ahaado ku meel gaar halka ruuxa horey laga siiyo degaansho rasmi ah iyo weliba in lagu xiro ruuxa doonaya in uu qoyskiisa waddanka keenaya sharuud ah in uu ismasruufi karo.

Xisbigan ayaa dib u soo cusboonaysiiyay fikraddiisii ahayd in dadka soogalootiga ah shuruud looga dhigo in ay afka Iswiidhishka si fiican u bartaan inta aan la siin dhalashada dalka. Xisbiga ayaa sidoo kale soo bandhigay in qofka doonaya in uu eheladiisa dalka keeno, lagu xidho in uu marka hore haysto guri iyo dhaqaale ku filan oo joogto ah. Marka laga reebo waalidka qaxoontiga loo aqoonsaday ee wata carruurta ka yar yar 18 jirka. Xisbiga ayaa sheegay in fikirkani yahay mid dadka soogalootiga ah u sahlaya in ay si dhib yar shaqo u helaan.

Dhanka kale xisbiga Folkpartiet waxa uu soo bandhigay qorshe uu rabo in qofka ajaanibka ah la siiyo deganaansho ku meelgaadh ah, halka marka uu qofku isku filnaado ee uu shaqaysto la siiyo deganaansho rasmi ah. Xisbigu waxa uu sheegay in loo baahan yahay in tani la waafajiyo sharciga xaquuqda shaqaalaha (LAS). Xisbigu waxa uu dhanka kale sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo gunnada waalidka lagu siiyo carruurta saddexda sanno ka yar. Inkasta oo ayna dad badani qaadan lacagtan, haddana waxa jira dumar badan oo ajaanib ah loo qaata lacagtan, taasi oo caqabad ku noqotay in ay galaan suuqa shaqada.

Xigasho: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".