Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Weerarada lagu qaado masaajiddada oo kor u kacay

La daabacay onsdag 28 januari 2015 kl 13.02
En man bredvid en moské, en muslimsk böneplats. Foto: A.M. Ahad/TT
Weerarada lagu qaado masaajiddada oo kor u kacay. Foto: A.M. Ahad/TT

Sannadkii hore waxa kordhay tirada weerarada lagu hayo goobaha ay Muslimiintu ku cibaadaystaan.Sida uu muujinayo barnaamijka Uppdrag Granskning ee caawa ka bixi doono telefiishanka SVT, waxa

sannadkii hore la weeraray ugu yaraan labaataneeyo goobood oo ay Muslimiintu ku cibaadaystaan. Sannadkii 2013 dacwadaha nacaybka ku dhisan ee  booliska loo gudbiyay waxa ay gaadhayeen 327 kiis, taasi oo ka badan tiradii sannadkii 2009 oo ahayd 194 kiis. Waxaanay taasi ka dhigan tahay in ay tiradaasi kacday 60%. Weeraradan inta badan lagu qaado dadka muslinka ah ayaa ah kuwo lagu bartilmaameedsanayo kox gaar ah oo bulshada ka tirsan.

Barnaamijka Uppdrag Granskning ee ka baxa telefiishanka Iswiidhan, ayaa caawa fiidkii marka ay saacaddu tahay kl 20:00, baahin doona barnaamij arrintani ku saabsan.

Xigasho: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".