Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kiniinka xumadda oo la joojinayo in lagu iibiyo dukaamada cuntada

La daabacay onsdag 28 januari 2015 kl 15.45
värktablett paracetamol piller alvedon
Kiniinka xumadda oo la joojinayo in lagu iibiyo dukaamada cuntada Foto: TT

Haayadda dawooyinka ayaa qorshaynaysa in laga bilaabo bilowga bisha september la joojiyo in kiniinka xumadda ee loo yaqaano paracetamol la joojiyo in lagu gado dukaamada cuntada. Haayadda ayaa

sheegtay in tan iyo sidii loo bilaabay in dukaamada cuntadu lagu iibiyo kiniinada xumadda ay 40% kor u kacday waxyeelada ay dawadani keentay, maaddaama dad badani ay si qaldan u adeegsadeen. Haddii qorshani hirgalo, waxa kiniinadan lagu gadi doonaa uu farmasiiyada, iyada oo aanu qofku u baahnayn in uu qaato warqad dhakhtar, ( receptfria). Shirkadaha dawadan iibiyaa waxa ay haystaan fursad ay arrintan kaga jawaabaan inta ka horraysa 9 bisha febraayo ee sannadkan. Rolf Gedeborg waa dhakhtar iyo hawlwadeen ka tirsan haayadda dawooyinka, isaga oo arrintani ka hadlaya waxa uu yidhi;

- Dhibaatooyinka ay keenayso in si qaldan loo isticmaalo dawooyinku, waa mid u baahan in farta lagu fiiqo. Si aynu u ogaano waxyeelada ay keeni karto.

Xigasho: Ekot

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".