Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Laba nin oo ka tirsan kooxdii sheegatay dilkii Nils oo la qabtay

La daabacay onsdag 28 januari 2015 kl 14.17
Nils Horner. Foto: Sveriges Radio
Nils Horner på en av sina reportageresor. Foto: Sveriges Radio

Waxa waddanka Afgaanistaan lagu xidhay laba nin oo ka tirsan kooxdii sheegatay in ay dishay wariyihii raadiyaha Iswiidhan uga soo warami jiray dalkaasi Afgaanistaan. Wariye Nils Horner ayaa bishii maarso

 ee sannadkii 2014 lagu dilay badhtamaha magaalada Kabul ee dalka Afgaanistaan. Warar saaka soo baxayay ayaa sheegayay in la qabtay hoggaamiyihii kooxda Mahaz-e-Fadaian, kooxdaasi oo hore u sheegatay dilkii wariyaha. Laakiinse wararka hadda ay helayso idaacadda wararka ee Ekot ayaa sheegaya in aan la qaban hoggaamihii kooxdaasi, laakiinse la qabtay laba nin oo kale oo ka tirsan kooxdaasi Mahaz-e-Fadaian. Haayadda sirdoonka waddanka Afgaanistaan ayaa sheegtay in labadan nin looga shakisan yahay in ay ka danbeeyeen weerar argagixo oo loo gaystay shirkad ajaanib ah oo waddankaasi ka hawlgasha. Inkasta oo raggani ka tirsan yihiin kooxdii sheegatay dilkii Nils Horner, haddana lama odhan karo in ay raggani si toos ah ugu lug lahaayeen dilkii wariye Nils Horner. Kooxdani sheegatay in ay ka danbeeyeen dilkii wariyaha, ayaa hore u sheegay in ay Nils Horner u dileen maaddaama oo ay u malaynayeen in uu u shaqaynayay sirdoonka Ingiriiska.

Safaaradda Iswiidhan ee waddanka Afgaanistaan ayaa warkani u xaqiijisay idaacadda Ekot, waxayse safaaraddu ka gaabsatay in ay wax faallo ah ka bixiso arrintan. Kiista baadhitaanka dilkii loo gaystay wariyaha ayaa sidoo kale Iswiidhan ka socda, iyada oo lala kaashanayo booliiska Afgaanistaan. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ka gaabsatay in ay ka hadasho xogahan ka imanaya dalka Afgaanistaan.

Wariye Nils Horner ayaa bishii maarso sannadkii 2014 lagu dilay badhtamaha magaalada Kabul, isaga oo markaasi ka soo waramayay doorashadii madaxweynenimada ee dalkaasi ka socotay.

Xigasho: Reaters, Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".