Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Baxnaanin xidhiidhsan ayaa caawin karta dadka maskaxda dhiigu kaga furmo

La daabacay torsdag 29 januari 2015 kl 12.28
Foto: TT.
Foto: TT.

Dadka uu maskaxda dhiigu kaga furmo ayaa caafimaadkoodu wanaagsanadaan haddii ay helaan xanaano guri oo xidhiidhsan

Taa bedelkeeda, haddiiba aanay helin caawimada ay u baahan yihiin dadkan ayaa u dhinta cudurkaa. Sidaa waxaa daaha ka fayday baadhitaan cusub oo ay samaysay hey’adda dawlada u qaabilsan dabagalka daawooyinka.

Middan ayaa khusaysa badanaa dadka waaweyn ee uu ku dhaco cudurka faaliga iyo sida ay uga soo rayn karaan, una helin karaan nolol firfircoon xanuunka ka dib. Habkan loo yaqaan xanaanayn xiriirsan waxaa isticmaala qaar ka mid ah isbitaalada waddanka sida uu sheegayso barafasoor Lena Von Koch oo ka mid ah dadka ka dambeeya cilmi baadhistan.

((- Middan maaha mid caadi ka ah Sweden, kooxda bixisa daryeelkan waxay ogaadaan baahida bukaanka inta aanu isbitaalka ka bixin, iyaga oo markaa ka dibna guriga ku sii daryeela. Waxaa jira 13 isbitaal oo leh kooxo noocan ah. Lakiin aniga waxay ila tahay in habkan laga dhigo mid shaqada ka mid ah, waxaa ka faa’idaysan lahaa bukaan badan , kuwo badana way farxad gelin lahayd

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".